Mareykanka oo diilin casaan ah u xariiqay maamulka Somaliland

Image
Washington ayaa wax u muuqata digniin kama dambeys ah hawada u marisay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal safaarada Mareykanka ku shaacisay booggeeda Twitter ka ayaa lagu sheegey in madaxwayne Muuse Biixi Cabdi laga doonayo in ciidamada Somaliland ka durjiyo Laascaanood.

Baahinta qoraalkan ayaa ka dambeysay markii wadahadal dhinaca telefoonka ah ay yeesheen Biixi iyo danjiraha Ameerika u fadhiya magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka, sidoo kale waxay isla soo qaadeen doorashooyinka maamulka ee madaxtooyadda taasoo dib-u-dhac weyn uu hareeyay.

Danjire André Larry ayaa ku tartarsiiyey Biixi in uu degdeg u soo saaro jadwalka doorashadda kahor inta aan la dhaafin mudada cusub ee loo qabtey xilli mucaaradka ay ka digayaan cawaaqib-xumo baahsan.

"Waxaa ku dhiirigaliyey in labadaas arrimood uu fuliyo," ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda oo lagu soo xigtey diblumaasiga. Wadaxaajoodka ayay safaaradda ku sheegtey in uu ahaa "mid laab-xaarasho ah".

Qoraalka safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa midkii ugu adkaa ee kaga yimaada beesha caalamka gaar ahaan xukuumadda Washington kaas oo lagaga dalbanayo inuu isaga baxo Laascanood.

Falanqeeyeyaasha ayaa waxay rumeysan yihiin in qoraalkan uu ka dhigan yahay in Washington ay ka fekereyso talaabooyin dheeraad ah haddii maamulka Hargeysa u hogaansami waayo digniintan kama dambeysta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM