Duqeyn uu Mareykanka fuliyey Soomaaliya oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in laba xubnood oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah, oo ay ka fuliyeen maalintii shalay gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa war qoraal ah oo maanta uu soo saarey ku sheegay in howlgalka uu ka dhacay nawaaxiga degmada Saakow, oo ay maamusho Kooxda Al-Shabaab.

Xubin kale oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay weerarka, kaasoo sidoo kale lagu burburiyay saldhig bartilaameed u ahaa militeriga Mareykanka, oo diyaarad nooca Drone-ka ay duqeysay shalay.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu yiri: "Ma jiro wax khasaaro dhimasha ama dhaawac oo shacabka kasoo gaarey duqeynta".

Inta badan Mareykanka warbixinadiisa ku saabsan duqeymaha waxuu ku sheegaa inaysan shacabka dhibaato kasoo gaarin, iyadoo dadka degaan ku dhaw Jilib ay soo werinayaan in rayid lagu dilay duqeyntii ugu dambeysay.

Waa howlgalkii 15-aad oo Mareykanka ciidamadiisa ka fuliyeen gudaha Soomaaliya sanadkan 2020.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo qeyb ka ah Istaraatiijiyada la dagaalka argagaxisadda [counter-terrorism Strategy].

Askar lagu qiyaaso illaa 500 oo kuwa sida gaarka y tababaran ayaa saldhigyo ku leh qeymo kamida Soomaaliya, oo Ballidoogle ugu weyn yahay, halkaasi oo lagu qorsheeyay, lagana qaado weerarada duqeymaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM