Dagaalameyaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu laayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa soo wariyey in duqeymo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya ay ku dileen 11 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka AFRICOM, howlgalada oo ahaa kuwa is-difaac ah markii lagu soo qaadey weerar gaadmo ah ayaa la fuliyey 10-ka bishii April ee sanadkan 2020.

Weerarka koowaad oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Kobon kuna dhow Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose waxaa ku dhintay 10 dagaalame.

Duqeynta labaad oo ka dhacday agagaarka magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe waxaa ku geeriyooday hal dagaalame, sidda ku cad warka qoraalka ah.

"Illaa iyo haatan, ma hayno wax khasaaro ah oo duqeynta kasoo gaarey dad shacab ah, hadii ay soo baxaan waxaan diyaar u nahay in aynu baarno," ayaa lagu yiri bayaanka.

Marka laga soo tago sheegashada Mareykanka, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqaan oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Tan iyo weerarka bishii Janaayo ee sanadkan ay Al-Shabaab ku qaadey xerada Manda Bay ee milatariga Mareykanku ku leeyahay Kenya, waxaa kordhay duqeymaha lagula beegsanayo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM