Mareykanka oo hawada mariyey hanjabaad la xiriirta doorashooyinka

Image

WASHINGTON, US - Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dirtey fariin hanjabaad ah kuna saabsan doorashooyinka ka qabsoomaya qaarada Afrika kuwaasoo wadamada ay ka dhacayaan ku jirto Soomaaliya.

Mike Pompeo, wasiirka wasaaradan oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in coddeynta ay noqoto mid ka fog nooc walba oo wax is-dabamarin ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalka madaxa diblumaasiyada Mareykanka, xukuumada Washington ayaa si aan laab-laab lahayn waxay talaabo uga qaadeysaa "kuwa isku dayaya in ay wiiqaan dimuqraadiyadda".

"Mareykanka waxaa ka go’an inuu taageero doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ay ku jiraan doorashooyinka ka dhacaya guud ahaan Afrika. Kama waaban doonno inaan tixgelinno cawaaqibka - oo ay ku jiraan xaddidaadda fiisaha - ee kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda," ayuu yiri.

Mareykanka ayaa kamid ah damaanad-qaadeyaasha in uu dhaqan-gelayo heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee madaxda Soomaalida ay caasimadda Muqdisho ku kala saxiixdeen bishii lasoo dhaafay ee September.

Heshiiskaas ayaa xeerinaya in Xildhibaanka koowaad ee baarlamaanka 10aad la dooran doono 1-da December, halka guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha loo coddeyn doono 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse dowlada waqtiga kasii dhacayo oo ka gaabisay fulinta hal-beegyadii lagu aadi lahaa waxay dhalisay in dib loogu laabto doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM