Mareykanka oo howlgal ka fuliyay Jubbada Dhexe [Fahfaahin]

Image

JILIB, Soomaaliya - Ciidamo huwan ah oo isugu jira Soomaaliya iyo Mareykan ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo lala eegtay mid kamid ah hogaamiyaasha Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo dhacay Talaadadii ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Bashiir Qoorgaab, lana socday xiligii la beegsadanayey hogaamiye-yaal kale.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Qoorgaab uu ka badbaaday weerarkaan la doonayey in lagu khaarajiyo, balse, uu dhaawac kasoo gaarey darawalkii u waday Gaariga, kaasi oo la dhigay Isbitaalka Jilib.

Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa horey madaxiisa loo dul-dhigay aduun lacageed dhan 6 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasoo loo balanqaaday cidda CIA-da siisa xog lagu dili karo.

Degmada Jilib ayaa ah meesha sida aadka ah ugu awood badan tahay Al-Shabaab, oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiye-yaasheed sare, waxaana degmada noqotay meel ay isha ku hayaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Howlgalka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan [AFRICOM] oo dusha kala socota howlgallada qaaradda wali wax qoraal ah kama soo saarin weerarkaan, sidoo kale, saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya kama hadlin.

Bilooyinkii u dambeeyay ciidamada xooga dalka oo garab ka helaya AMISOM iyo kuwa Mareykan ayaa xoojiyay gulufka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, iyagoo fuliyay howlgalo dhowr ah.

Todobaadkan ayey ahayd markii taliska ciidanka xooga dalka uu sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Baar-sanguuni ay ku dileen sarkaal sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa, kaasoo u dhashay wadanka Tanzania.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM