Mareykanka oo in ka badan $900 oo million ugu deeqay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay siinayso Soomaaliya in ka badan $900, oo ay ugu tala-gashay in ku maal-geliso kaabiyaasha dhaqaale ee dalka, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Waa deeqdii dhaqaale ee ugu horeeyay oo Mareykanka siiso dowladda Federaalka tan iyo doorashadii Madaxweyne Farmaajo February 8, 2017.

Madaxweyne Trump ayaa safiir cusub oo lagu magacaabo Donald Yamamota usoo diray Muqdisho 2-dii bishan, iyadoo Mareykanka uu dib usoo celiyo joogitaankiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Waxay kaloo dowladda Mareykanka sheegtay in $110 million ay ku bixin doonto dowlad wanaagga, xalinta colaadaha iyo dib u dhiska garsoorka Soomaaliya.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka uu Soomaaliya ku daray Liiska dalal dhowr ah, oo ka mamnuucay inay galaan dalkiisa, sababo la xiriira khatar argagaxiso oo suurta-gal ah inay uga timaado.

Mareykanka ayaanan wali safaarad ka furan Muqdisho, balse waxa uu ku leeyahay xafiis ka shaqeeya howlaha diblomaasiyadeed kaasi oo ku yaalla gudaha xarunt ciidamada AMISOM ee Xalane.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku shaqeysa Nairobi, iyadoo safiirka uu si joogto ah u yimaada Muqdisho, maadaama uu ku magacaaban yahay, si uu uga shaqeeyo danaha dowladdiisa ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago arrimaha diblomaasiyadda, Mareykanka ayaa ciidamo fara ku tiris ah ka jooaga Soomaaliya, kuwoo fuliyo howlgallo gaar ah, oo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish.

Labo Askari ayaa tan iyo 2017 looga dilay Mareykanka gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, waxaana ay noqonaysaa khasaarihii ugu horeeyay tan iyo 1993 markii 18 askari lagu dilay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM