Mareykanka oo is-barbardhigay Soomaaliya iyo Afghanistan

Image
Taliban ayaa 20-sano kadib waxay dhowaan dib u hanteen taladda waddanka Afghanistan.

WASHINGTON, USA – Mareykanka ayaa rumeysan in waxa ka dhacay Afghanistan ay wajihi karto Soomaaliya, sida ay jariiradda afka dheer ee New York Times kasoo xigatay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Washington.

"Waaya-aragnimada Afghanistan waxay inoo sheegaysaa in guusha aysan ku imaan karin dib-u-qaabeynta dowlad ama bulsho iyo in howlgalka Soomaaliya uu waqtiga nooga lumay carqalada Al-Shabaab," ayay sheegeen.

Gudaha Afghanistan, kadib 20-sano oo dagaal balaayiin doolar ku baxeen, askarta Ameerikaanka ayaa ka baxay dalkaas taasoo kooxda Taliban dib ugu celisay awooda. Madaxdii dalkaas waxay ka carareen shacabkii doortey.

Mudadaas Afghanistan colaada ka ooganeyd, Mareykanka wuxuu ka sameynaayey dalkaas waxa uu haatan ka fuliyo Soomaaliya oo ay ugu muhiimsan yihiin duqeymo dhanka cirka ah, taageerida dowladda iyo mashaariicyo.

"Falanqeeyeyaal waxay aaminsan yihiin in Mareykanku u baahan yahay in uu bedelo gabi ahaanba qorshihiisa Soomaaliya oo ay kamid tahay daganaanshiyo siyaasadeed oo lala galo Al-Shabaab ama awood ciidan oo ku soo afmeerta dagaalka aan dhamaadka lahayn natiijo aan laga yaqyasan karin," ayay warbixintu raacisay.

Dadka naqdiya Mareykanka ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay haatan diiradda saareyso in ay awoodeeda kusii balaariso Geeska Afrika "taasoo khatar ku ah danaha Ameerika".

Captain Rohrbach oo haatan ka tirsan ciidamadda gaarka ah ee Mareykanka ayaa NYT u sheegay "haddii Al-Shabaab ay haatan halis geliso Mareykanka, waa natiijo ka dhalata joogitaankeena gudaha waddankaas".

Al-Shabaab ayaa haatan weeraro ka fulisa meelo ka baxsan Soomaaliya. Dowlad daahsoon ayay noqdeen. Saldhigyo iyo maxkamado ayay hirgeliyeen. Mareykanka ayaa aaminsan in 2020 ay kooxdu uruursatay dakhli dhan 120 milyan doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM