Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Image
Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso taageerada raashinka ciidamada khaaska ah ee Danab bisha Juun 2024, kadib markii ay soo baxeen fadeexado la xiriira lunsasho weyn oo qalab iyo raashin ah.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in saraakiisha sare ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ka warqabeen lunsashadan intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab dabayaaqadii 2023.

Go’aanka Maraykanka waxaa la gaaray bishii Diseembar 2023, ka dib markii soo baxeen warbixinno musuq-maasuq ah, oo ay ku jiraan dhacdooyin la sheegay in gaadiidka kuwa qoryaha la saaro lagu iibiyay suuqa Bakara ee Muqdisho.

Soo shaac baxa wararka musuqmasuqaan kadib, Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed, iyadoo ku ammaanaysa taageerada Maraykanka iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in xarigga saraakiisha dhawaan la xiray loo arko in loo adeegsaday in lagu qariyo dambiyada, iyadoo saraakiil sare lagu soo waramayo inay ku lug leeyihiin fadeexaddan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, wasaaraddu waxay bilowday baaritaanno si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo hufnaan, iyadoo qorsheynaysa in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo baahiyaha saadka ee Danab gacanta dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale, Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka falceliyay fadeexada ay dhextaagan yihiin Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamada Soomaaliya ee ka dhalatay leexsashadda raashiinka kumaadooska Danab ee Mareykanka tababaro.

Xildhibaan Cali Saciid Faqi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in qirashada Dowladda federaalka ee musuqmaasuqan ay tahay in ay ka dhalatay xil ka qaadis iyo maxkamadeynta saraakiisha la xaqiijiyay in ay ku luglahaayeen xatooyadan.

Sidoo kale, sharci-dejiye Mursal Khaliif oo “argagax” ku tilmaamay qiraalka Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqay in is-dabamarintan ay ku lugleeyihiin madax sarre loona baahan yahay isla-xisaabtan dhab iyo baaritaan heer qaran ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM