Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ku dhaawaceen dad shacab ah

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa xaqiijiyay in dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay bishii September 2023 ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Tiro dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta ayaa ku dhaawacmay weerarkan lagu dilay 3 xubin oo ka tirsan AS. sida uu sheegtay taliska AFRICOM oo gaaray natiijadan ka dib baaris hordhac ah.

Dhinaca kale, Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa beeniyey in duqeyntaasi ay ku dhinteen dad Shacab sida ay faafisay kooxda AS.

Mareykanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada ay argagaxisadu soo qaadaan deegaanka Ceel Laheley ee gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM