Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu la beegsaday Al-Shabaab

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay nawaaxiga saldhiga ciidanka ATMIS ee Buulo Mareer.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Duqeynta ayaa lagu burburiyay hub iyo qalab "si sharci darro ah ay u qaateen dagaalyahannada Al-Shabaab,” ayuu yiri Taliska Mareykanka ee Afrika Sabtidii.

Taliska oo war-saxaafadeedka uu soo saarey nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxa uusan sheegin halka laga soo xaday hubka iyo qalabkan.

Duqaynta ka dhanka ah maleeshiyada, sida uu talisku sheegay, waxa ay ka dhacday meel ku dhow saldhigga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Buulo Mareer.

AFRICOM ayaa waxa ay intaas ku dartey in howlgalkan dhanka cirka ahaa ay ku taageereen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

"Qiimeyn waa middii ugu horeysay ee lagu sameeyay howlgalkaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan.

Duqeyntan ayaa waxay kusoo hagaagtey iyadda oo 26-kii May, 2023 ay Al-Shabaab weerareen saldhiga ciidamadda ATMIS ee degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayna dileen tobanaan askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM