Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu la beegsaday Al-Shabaab

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay nawaaxiga saldhiga ciidanka ATMIS ee Buulo Mareer.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Duqeynta ayaa lagu burburiyay hub iyo qalab "si sharci darro ah ay u qaateen dagaalyahannada Al-Shabaab,” ayuu yiri Taliska Mareykanka ee Afrika Sabtidii.

Taliska oo war-saxaafadeedka uu soo saarey nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxa uusan sheegin halka laga soo xaday hubka iyo qalabkan.

Duqaynta ka dhanka ah maleeshiyada, sida uu talisku sheegay, waxa ay ka dhacday meel ku dhow saldhigga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Buulo Mareer.

AFRICOM ayaa waxa ay intaas ku dartey in howlgalkan dhanka cirka ahaa ay ku taageereen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

"Qiimeyn waa middii ugu horeysay ee lagu sameeyay howlgalkaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan.

Duqeyntan ayaa waxay kusoo hagaagtey iyadda oo 26-kii May, 2023 ay Al-Shabaab weerareen saldhiga ciidamadda ATMIS ee degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayna dileen tobanaan askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM