Mareykanka oo ka hadlay hub uu ugu deeqay Soomaaliya

Image
Kaalmadan ciidan ayaa loogu talagalay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa deeq hub iyo saanad ciidan ah ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) 28-kii bishan gaar ahaan taliska kumaandooska Danab.

Munaasabada waxaa goob-joog ka ahaa sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Tim Trinkle, wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage.

Lixdan iyo kow tan oo AK-47 ah, qoryaha daran dooriga u dhaca, iyo rasaas ayaa ka soo degtay laba diyaaradood oo ah nooca C-17 ee ciidamada Cirka Maraykanka ee fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kaalmadan ciidan ayaa loogu talagalay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada hadda ka wadaan Galmadug, HirShabelle iyo qeybo kamid ah gobolada waddanka.

"Aad baan ugu hanweynahay in aan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab istaagno dagaalkan," ayuu yiri Sii hayaha Xilka safiirka, Tim Trinkle.

Trinkle ayaa intaas ku daray: "Sanaddan waxaa la siin doonaa ciidamada ee Danab, oo ka mid ah xoogagga geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira al-Shabaab. Deeqdan waxay ka dhigan tahay mudnaanta sare ee iskaashiga Maraykanka iyo Soomaaliya".

Hubka ayaa ah mid calaamadeysan oo la diiwangeliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, taasi oo loogu talagalay in lagu xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada nabadsugidda Soomaaliya iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la siiyey ogeysiis gaar ah iyadda oo lasii marayo Xafiiska Iskaashiga Amniga ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kaasoo korjoogteyn ku leh sugida hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM