Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha Duqeymaha Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Wasaaradda difaaca Mareykanka [Pentagon], ayaa war kasoo saartey khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka ee ay ka fuliyeen diyaaradahooda gudaga wadanka Soomaaliya.

Pentagon ayaa xaqiijisay in 40 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab iyo Daacish ay ku dileen 5 weerar oo afartii maalmood ee ugu dambeeyay ka geesteen Koonfurta Soomaaliya iyo deegaanada Puntland.

Colonel Rob Manning, oo ah Afhayeenka waaxda Pentagon ayaa sheegay in mid kamid ah duqeymaha lala eegtay Daacish-ta ku sugan buuraha gobolka Bari, kaasi oo lagu dilay 4 xubnood oo ISIL katirsanaa.

"Annagoo kaashanayna ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan Soomaaliya ka fulinay 5 weerar oo aan la bartilmaameedsanay Kooxaha Daacish iyo Al Shabaab laga soo billaabo 9-ka illaa 12-ka November, waxaana ku dilnay 40 xubnood," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka.

Duqeymaha waxaa fuliyay ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaano [AFRICOM], kuwaasi oo ka gacan siinaya dowladda Federaalka  dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii March ee 2017 bixiyay ogolaansho lagu kordhinayo duqeymaha Soomaaliya, kadib markii ay xoogeysatay khatarta Al Shabaab ee geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM