Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Image
Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay oo ay xirtay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee uu Mareykanku tababaray.

Shaqo joojinta iyo xariga ayaa waxa ay ka dambeysay markii la xaday raashiin uu ugu deeqay Mareykanka, iyadoo intaas ku dartay in ay la wareegayso mas’uuliyadda bixinta ciidanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa ku sheegay hadal uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadato dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa.

"Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista, ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tillaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago shilalka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmada mustaqbalka," ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan si toos ah uga hadlin in wax taageero ah oo Mareykan ah mar hore la joojiyay.

Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii ogolaaday in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000-askari oo ka tirsan Danab si ay uga fal-celiyaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Danab ayaa tan iyo sanadkii 2022 si weyn ugu lug lahayd guluf militari oo ay ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleed is garabsanaya kuwaas oo ku guuleystay in Al-Shabaab lagala wareego deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ololahan ayaa noqday mid saqiiray, iyadoo ciidamada dowladda oo is garabsanaya ay la daalaa dhacayaan sidii ay dhulka miyiga ah gacanta ugu dhigi lahaayeen, waxaana Al-shabaab ay sii wadaan weerarro waaweyn oo ay ka geysanayaan caasimadda Muqdisho.

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya 2017 ka dib markii milatarigu ay ku xisaabtami waayeen cuntada iyo shidaalka.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka fulisa iyadda oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan oo lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM