Mareykanka oo ka jawaabay "in ay maamule ka dileen shirkada Hormuud"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay wararka sheegaya in ay maamule sare ka dileen Shirkada Isgaariinta Hormuud.

Maxamuud Xaaji Salaad, sarkaalkii ugu sareeyay laanta shirkada ee Jilib, ayaa la xusay laba gantaal lagu dhuftay isagoo beertiisa ku sugan, galabnimadii Isniinta, 25-ka Febraayo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadey in Salaad uu kamid ahaa xoogaga argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Shirkadda Hormuud ayaa xaqiijisay in uu shaqaalaheeda kamid ahaa Salaad, balse waxay beenisay in uu xubin ka ahaa maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Wuxuu tan iyo aas-aaskii shirkada uu kamid ahaa shaqaalaheena. Balse xubin kama ahayn kooxda," sidaas waxaa warbaahinta gudaha u sheegay Cadnaan Xaaji Cali oo Hormuud ka tirsan.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa kasoo xigatay taliska AFRICOM in ay baarayaan sheegashooyinka ku saabsan in ay dileen maamule sarre oo kamid ahaa shirkadda Hormuud.

Sheegashooyinka ku saabsan dilka Xaaji ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Mareykanka uu liiska argagixisada ka saarey Al Barakaat, oo mataano lahayd Hormuud Telecom Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM