Mareykanka oo mar kale duray heshiis-beenaadka Abiy iyo Biixi

Image
Xukuumadda Washington ayaa waxa ay garab-istaag u muujisay madax-banaanida Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Maraykanka ayaa mar kale waxa ay aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Molly Phee oo ah Kaaliya Xogheeyaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika oo ka hadlaysay shir jaraa'id oo ku qabsoomay qaab online ah ayaa ka dhawaajisay hadalkan.

Phee ayaa tibaaxdey inay taageersan tahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

"Mareykanka ayaa la wadaaga Midowga Afrika, IGAD, iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyo sidoo kale inta badan saaxiibada Afrika ee qaaradda, aragtida ku aadan in in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya," ayay tiri.

Waxay raacisay: "Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiskan is-afgaradka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland kaasoo wax weyn u dhimi karo halgankeenna  ka dhan ah AlShabaab saameynta xunna ku leh dadka Soomaaliyeed". 

Phee oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay kusoo gabagabeysay: "Waxaan taageeraynaa wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ee ku saabsan mustaqbalka ay wadaagaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM