Mareykanka oo marti-gelinaya shir loogu qaaraamayo Soomaaliya

Image
Lix dal oo uu ku jiro Midowga Yurub ayaa qeyb ka ah qaban-qaabada kulankan ka dhacaya New York.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa waxa uu marti-gelin doonaa shir dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya, sidda uu xaqiijiyey xafiiska dhanka ammaanka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaa VOA u sheegay in deeqdan ay si gaar ah u khuseyso ciidamada Soomaaliya uuna kulanka ka dhici doono magaalada New York.

Cali waxa uu xusay in lix dal oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar iyo Midowga Yurub ay si wadajir ah u qaban-qaabinayaan is-araggan.

“Waxaan fileynaa wax Soomaaliya gaarsiin kara illaa 2027-ka markaas oo ay Soomaaliya aaminsan tahay in aan la wareegi karno si aan u maalgelinno ciidamadeenna ammaanka gebi ahaanba,” ayuu yiri Cali.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa gacan siiya ciidamo ka socda Midowga Afrika oo si madax banaan u howlgala ciidamada Itoobiya oo iyaguna dagaal kula jira Al-Shabaab.

Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Ereteriya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha tababara ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo badankooda askarta ay soo tababaraan fuliya howlgalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii dagaal kula jirtay xoogagga Al-shabaab, iyadoo kooxdan laga saaray magaalooyinka waaweyn, balse waxay weli maamulaan deegaanno badan oo baadiyaha ah.

Bishii Agoosto 2022, ciidamada Soomaaliya, oo ay taageerayaan dagaalyahanno maxalli ah oo iskood isu abaabulay, ayaa qaaday weerar milateri oo ay kooxda xagjirka ah kala wareegeen qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa cadaadiskaas kaga jawaabtey beegsiga fariisimaha ciidamada dowladda, waxaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen askarta dowladda ee ku sugan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM