Mareykanka oo qirtay in uu rayid ku dilay duqeyn ka dhacay Jubaland

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa wuxuu qirtay in qof shacab ah uu ku dhintay duqeyn ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya, bishii Febraayo 2-deeda sanadkan 2020-ka.

Howlgalkaas dhanka cirka ah ayaa ka dhacay xarunta gobolka Jubadda Dhexe ee Jilib. Magaaladaas waa fariisinka ugu weyn ee xoogaga Al-Shabaab.

"US-AFRICOM waxay xaqiijisay in dhimashada hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca saddex kale, kuwaas oo aanan soo muuqaan intii aan qaadeynay duqeynta ka dhanka ahayd shaqsiyaadka bartilmaameedka ah," ayuu xusay.

Qirashadaan ayaa lagu caddeeyay warbixin Talaadada maanta ah kasoo baxdey taliska, taasoo si joogto ah loogu soo bandhigo waxyeeladda rayidka kasoo gaara howlgalada ay ka fuliyaan gudaha waddanka Soomaaliya.

Bishii April ayaa la bilaabay ka gedaal markii ay isa soo tareen sheegashooyinka waxyeeladda shacabka ee duqeymaha ay la beegsadaan Al-Shabaab iyo Daacish. Hase ahaatee, ma jirto magdhow la siiyey dhibaneyaasha.

Taliska oo sheegay in hadda baaritaan ku waddo afar dhacdo oo ku aadan in ay shacab wax ku noqdeen duqeyn uu ka fuliyey Soomaaliya ayaa tibaaxay in ay ka go'an tahay xaqiijinta in aysan rayid wax ku noqon howlgalka.

Caqabashooyinka la xiriira rayid wax ku noqdey duqeymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa loo gudbiyaa safaaradda uu ku leeyahay Muqdisho, Congress-ka waddankaas iyo waliba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM