Mareykanka oo shaaciyey in uu duqeyn ku dilay 19 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay meel qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Mareykanka ayaa Arbacadii duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Soomaaliya, waxaana lagu dilay 17 argagixiso, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika Jimcaha maanta ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho kadib markii ay codsatay dowladda Soomaaliya oo ciidamadeeda ay dagaal kula jireen maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyay in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku noqday ama lagu dilay howlgalkan dhanka cirka ah.

"Al-Shabaab waa shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna halista badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto dadka rayidka ah ee Soomaaliya, Bariga Afrika iyo Mareykanka," ayuu yiri Taliska AFRICOM

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo laba-jibaarmay tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka in ay ku laabtaan Soomaaliya bishii May.

Bishii hore ee October, duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah shaacisay in boqolaal Al-Shabaab ay ku dishay howlgalo ciidamadda ay ka fuliyeen gobolo kala duwan oo waddanka ah afartii todobaad ee lasoo dhaafay ayna kula wareegtay degaano iyo tuulooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 11:41AM

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM