Mareykanka oo sharaxay shirarkii Deni, Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa tafaasiil dheeriya waxay ka bixisay kulamadii danjire Donald Yamamota uu la yeeshay Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland ayuu shalay kula kulmay qeybta nasashada garoonka Muqdisho kadib markii ay soo dageen.

Hogaamiyihii 8aad ee Soomaaliya ayuu Arbacada maanta ah wadahadalo kula yeeshay xarunta safaaradda ee ku dhex-taala xeradda Xalane.

Sidda lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaarada, shirarkii gooni gooniga ahaa ee uu la galay Deni iyo Axmed Madoobe ayaa looga doodey "dhameystirka fahfaahinta dhaqangal ee heshiiskii Dhuusamareeb3".

"Soomaaliya waxay u baahan tahay wada ogol iyo tanaasul – haatan waa waqtigii hogaamiyeyaasha muujin lahaayeen xigmad," ayaa la raaciyey.

Wadaxaajoodyadii uu diblumaasiga maanta la qaatay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayay tibaaxdey in ay khuseeyeen arrimaha doorashooyinka 2020-21 iyo siyaasad loo dhan yahay.

"Waxaan dhiiragelineynaa astaamaha ay muujiyeen saamileyda siyaasada Soomaaliya ee baadigoobeysa tanaasulka si shaqo howleedka Dhuusamareeb3 loogu fuliyo waqtigeeda iyo qaab loo dhanyahay," ayay xustay.

Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in Yamamota uu Deni u sheegay in qoraalkiisii muranka dhaliyey uusan ku socon madaxda Puntland iyo Jubaland isla markaana lagu karaar-siinayey wadahadaladda.

Sidoo kale, warsidaha GO ayaa fahansan in Axmed Madoobe uu ku adkeystay in muhiim tahay in dowladu faragelinta ka joojiso gobolka Gedo.

Shirarkii ay Dhuusamareeb ku yeesheen ayay madaxweynaha Jubaland iyo Farmaajo isla garteen caadiyeynta cilaaqaadkooda isla markaana ay guddi u saaraan xal u helida arrimihii keenay wadashaqeyn la'aanta.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid ka gaabisay fulinta heshiisyaddii lagu gaarey shirarkii Dhuusamareeb, waxaana sababtaas darteed ay Puntland iyo Jubaland u qaadaceen wadahadalkii laga soo saarey heshiiska qabyada ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM