Mareykanka oo sheegtay dilka todoba dagaalame Al-Shabaab ah

Image
Waa duqeyntii lixaad oo ciidamadda Ameerikaanka ay sanadkan 2023-ka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

WASHINGTON, USA - Taliska Ameerikaanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya uu ku dilay 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, waxaana uu ahaa “weerar is-difaac oo wadajir ah,” sidda ay sheegtey AFRICOM. Duqeynta ayaa laga fuliyay meel 320 mayl waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.

"Marka la eego goobta fog ee uu howlgalka ka dhacay, talisku waxa uu qiimeynayaa in aysan jirin dad rayid ah oo la dhaawacay ama la dilay," ayay raacisay taliska AFRICOM.

Horaantii bishaan, xukuumadda Washington ayaa labo weerar oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Soomaaliya, waxaana lagu dilay 17 dagaalyahan, sidda laga soo xigtey AFRICOM.

Duqeynta Talaadadii ayaa ah tii lixaad ee sanadkan oo ciidamada Mareykanka ay fuliyaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, waxaana sare u kacay dhaq-dhaqaaqa ka dhanka ah ururka xagjirka ah oo AFRICOM ay u aragto shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan.

Howlgallada faraha badan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa astaan ​​u ah iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah waxa ay labada dal u arkaan "khatarta sii kordheysa ee gobolka".

Dabayaaqadii bishii Janaayo, Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka fuliyay howlgal ka dhan ah argagixisada oo lagu dilay Bilaal Al-Sudani, oo ahaa hogaamiyihii Daacish u qaabilsanaa faafinta fikirka ISIL ee Afrika.

Sida laga soo xigtay AFRICOM, Soomaaliya waxay u aragtaa ficillada militari qayb ka mid ah istaraatiijiyad ballaaran oo ka hortagga argagixisada, oo ay weheliso dib-u-habeyn dhaqaale, dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iyo dulqaad diimeed.

Mareykanka ayaa taageero joogta ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu sanadkii hore ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Oggolaanshaha in ka yar 500 oo askari loo diro ayaa ah mid ka soo horjeeda go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu dhammaan ciidamada Mareykanka uga saarayo dalka sanadka 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM