Mareykanka oo Soomaaliya ka saarey talaabo uu Afrika ka qaadayo

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa waxay dib u eegis ku sameyneysaa ciidamadda ka jooga qaaradda Afrika, sidda ay baahisay Wakaalada Reuters.

Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Washington ayaa laga soo xigtay in mandiqada ay ka joogaan ciidamo tiradoodu gaareyso 6-kun illaa iyo 7-da kun.

Balse loolanka kaga imaanaya Shiinaha iyo Ruushka oo sii kordhaya ayaa waxay ku riixeysaa Mareykanka in uu isbedel ka yimaado.

Dowladahan ayaa isku haya saameynta ciidan, mid dhaqaale, xag siyaasad iyo hogaan ee wadamada dhaca qaaraddan hodanka ah.

Dib u eegistan aya waxaa nan qayb ka ahayn Soomaaliya, oo ay joogaan 650 illaa iyo 800 oo askar Ameerikaan ah, sida ay warbixintu leedahay.

Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin dalalka, wallow Moscow ay haatan un boorka iska jafeyso.

Sidda ay sheegeen illo lagu kalsoon yahay, dib u eegista oo bishan October lasoo afjari doono ayaa loo gudbin doonaa Wasaaradda Difaaca.

"Kadib waxay tagi doontaa warbixinta xafiiska gudoomiyaha ciidamadda isku dhafka ah ee Mareykanka," mas'uuliyiinta ayaa sidaas yiri.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii AlShabaab ay weerartay saldhiga Mareykanka ee Soomaaliya, wallow aysan khasaaro u geystay xoogaga.

Taliska AFRICOM ayaa waxa uu kadib sheegay in duqeyn is-daafacid ah uu ku dilay 10 kamid ah xubnihii AlShabaab ee duulaanka soo gaaray.

Wadar ahaan illaa iyo haatan sanadkan, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay 53 weerar oo cirka ah; waana tiro ka badan sanadkii hore oo ahayd 49 howlgal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM