Mareykanka oo weerar xubno looga dilay Al-Shabaab ka fuliyay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo ciidamadiisa ka fuliyeen nawaaxig tuulada Gandarshe oo 48-KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho uu ku dileen 8 kamid ah Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta, oo dhacday maanta oo sabti ah, taasoo ay ka qeyb qaateen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxafadeedka ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin wax khasaro ah, oo shacabka kasoo gaarey howlgalka militeri.

"Duqaynta oo dhacday 15-ka December [Jimcadii] waxaa la fuliyay iyadda oo wadashayn dhow lala yeeshay dowlada Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo xorrriyada dhaqdhaqaaq iyo cadaadista [Al-Shabaab],” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2018 ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 38 weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaasoo AFRICOM qoraallo ay soo saartey ku sheegtay in laagu dilay xubno badan oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa laga saarey magaalada madaxda dalka sanadkii 2011-kii, balse, wali waxay kooxdu awood u leedahay inay weeraro ka fuliso magaalooyinka ay dowladda Federaalka maamusho iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM