Mareykanka oo weeraray saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa Arbacadii duqeeyay saldhigyo Al-Shabaab ku leedahay Jilib, fariisinka ugu weyn xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Afhayeenka dowladda federaalka ayaa tilmaamay in howlgalkaas lagu burburiyey xerooyin ay lahayd "kooxdaas argagixisadda ah".

Ismaaciil Mukhtaar Cusmaan ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaas dhanka cirka ah aysan waxyeelo kasoo gaari rayid.

"Al-Shabaab oo sii wiiqmeysa haatan xitaa awood uma lahan in ay difaacato dhulkeeda," ayuu u sheegay mareega Ourbitcoinnews.

Hay’addaha nabad-gelyadda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayuu xusay in asbuucaan "ay howlgalo guuleystey ka fuliyeen gobolka".

"Sanado kahor, waxay maamuli jireen badi koonfurta Soomaaliya, kadib cadaadis kaga yimid milatariga Mareykanka, Midowga Afrika iyo dowladda ayaa burburiyey awoodooda gobolka," ayuu raaciyey.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duulaankaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Bishaan Janaayo, 27-deeda, 2020, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa baahiyey in duqeyn ay Al-Shabaab kula beegsadeen agagaarka Jilib, gobolka Jubada Dhexe, ay ku dileen hal dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM