Mareykanka oo xiray sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka Soomaaliya

Image
Yuusuf Cabdi Cali ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira xadgudubyo bini'aadanimo iyo dambiyo dagaal.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya wuxuu ka baarayaa jirdil, dil aan sharciga waafaqsaneyn iyo xabsiyo sharci darro ah oo la sheegay in uu geystay sanadihii sideetamaadkii.

Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaanay Gaashaanle Sare Tukeh waxa uu hore u ahaa taliyaha guuto milateri oo ka tirsanayd dawladdii kacaanka ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Sannado kadib markii uu kasoo cararay gudaha Soomaaliya, eedeymaha xadgudubyada la sheegay in uu u geystay dadka aan waxba galabsan ayaa mar kale soo kordhaya.

Sannadka markii uu ahaa 1992-kii, Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii caddeymo lagu soo bandhigay dokumentari ah ay muujiyeen in uu amray dilal badan.

Cali markii dambe waxa uu u guuray Maraykanka oo uu ka noqday darawal ka tirsan shirkadda Uber. Saddex sano kadib, ayay xeerbeegti Maraykan ah ku xukuntay in uu jirdil u geystay dhallinyaro Soomaaliyeed sannadkii 1987-kii - taas oo uu diiday.

Eedeysanaha dib loosoo xiray ayaa lagu xukumay inuu bixiyo $500,000 (£420,000) magdhow ah oo la siinayo dhibanaha kaasoo sheegay inuu ku badbaaday inuu laaluushay dadka xabaalleyda ah si ay isaga badbaadiyaan.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Col Tukeh ayaa la xiray, iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin dil iyo jirdil kuwaasoo uu horey u geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM