AFRICOM: Sarkaal Al-Shabaab ah oo xiriir la lahaa Al-Qaacida ayaan dilnay

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu shaaciyey in duqeyn uu koonfurta Soomaaliya ka fuliyey 19-kii November, Talaado, 2019, uu ku dilay sarkaal Al-Shabaab ah.

Weerarka dhanka cirka oo ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu khaarijiyey sarkaalkaas oo xiriir toos ah la lahaa shabaakadda Al-Qaacidda.

Taliska Mareykanka ee Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey soona bandhigin aqoonsiga horjoogaha ayaa meesha ka saarey in ay jirto waxyeelo soo gaarey rayid.

William Gayler, agaasimaha howlgaladda taliska AFRICOM, ayaa rumeysan in duqeymaha cirka "ay u diidayaan argagixisadda dhaqdhaqaaq xor ah oo ay dadweynaha ku dhibaayeen".

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo duqeynta ka hadashay ayaa xustay in sarkaalka la dilay uu muhiim u ahaa xoogaga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho laga saarey 2007-dii.

Hase ahaatee, Al-Shabaab oo falcelisay ayaa shaqsiga la naf-gooyey ku qeexday "ganacsade caan ka ahaa gobolka Shabeellaha Hoose" oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa horey ugu lug-yeeshay weerar dhanka cirka ah oo ay khasaaro kasoo gaareen shacab, wallow illaa iyo haatan aanu jirin wax magdhow ah oo la siiyey dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM