Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia

Image

JABUUTI -Taliska Mareykanka saldhiga ay ku leeyihiin qaarada Afrika ayaa shaaciyay in weeraro cirka ah Al-Shabaab kula beegsadeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose 11-kii bishaan Febraayo. Weerarkaan ayaa la sheegey in lagu diley 8 xubnood oo ka tirsan ururka xiriirka dhow la leh Al-Qacida.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu xusay in duqaymaha ay ku burburiyeen goobo gabaad u ahaa xoogaga xiriirka la leh Al-qaacida iyo agab milatari.

"Labo howlgal oo aynu ka fulinay Somalia, midka 1aad waxaan hubnaa inaan ku khaarijinay 8, halka kan 2aaadna aan ku dilnay 4 kale, waanu sii wadaynaa duqaymaha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, howlgaladaan ayuu Mareykanku qaaday iyada oo ciidamada xooga Soomaaliya ay qorsheynayeen guluf ay halkaasi ku qaadaan si ay gacan haynta ula wareegaan.

"Ciidamada Soomaaliya waxay u shaqeynayaan si wax ku ool ah si ay ugu baneeyaan gab horumarka iyo nabadda," ayuu yiri Gregg Olson, oo ah agaasimaha howlgalada ee taliska AFRICOM.

Sheegashada taliska Mareykanka ayaa kusoo aadeysa iyada oo Al-Shabaab mar sii horeysay ay u soo bandhigtay sawiro ay ku sheegayso in weerarka lagu beegsaday guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM