Mareykanka oo go'aan laga gaarey tarxiilida shaqsi Soomaali ah

Image

WASHINGTON, US – Garsoore xaga socdaalka oo heer federaal ah ayaa baabi'iyey in shaqsi Soomaali ah, kaasi sanado kahor loo xukumay dambiyo kala duwan, laga soo tarxiilo waddanka Mareykanka.

Cabdiqani Faysal Xuseen oo degan magaaladda Portland, gobolka Maine ayaa waxaa la xiray bishii Maaj ee sanadkii tegay 2018-kii.

Qareenadiisa ayaa sheegay in hadii loo musaafuriyo Soomaaliya uu la kulmi karo jirdil, taasi oo u sababeysa dhibaato maskaxda ah.

Garyaqaanka ayaa wuxuu daaha ka rogay in ay go’aankan u qaateen iyaga oo dhowraya Axdiga Caalamiga ee ka dhanka ah jirdilka.

Ben Wahrer, qareenka Xuseen, ayaa carabka ku dhuftay in xukunkan ka dhigan yahay kalyeentigiisa uu baaqi kusii ahaanayo Mareykanka.

"Balse ma heli doono gargaar badan oo dhanka socdaalka ah, maxaa yeelay xukunkiisa," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waaxda Socdaalka ayaa Xuseen kusoo eedeysay saddex dambi oo kala ah; kicin sharci darro ah; iibinta Khaad iyo in uu sharci darro ku galay Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, Xuseen, oo aan da'diisa lasoo bandhigin, ayaa wuxuu haatan fursad u heli doonaa in uu lasii noolaado qoyskiisa, inkasta oo uu la kulmi karo culeysyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM