Markab ka howlgalay badda Soomaaliya oo amar la duldhigay

Image

WASHINGTON, USA – Markab nooca diyaaradaha qaada kaasoo Mareykanku leeyahay laguna magacaabo NSS Nimitz kuna xoojiyo awoodiisa Bariga Dhexe ayaa la faray in uu ku guriya noqdo, sidda ay ku warantay US Naval Institute News oo soo xigatay mas'uuliyiin Ameerikaan ah.

Talaabadan ayaa u muuqato mid bilow u ah dedaalada maamulka Joe Biden ku doonayo in uu hoos ugu dhigo xiisada kala dhaxeysa Iiraan kuna bilaabo wadaxaajoodyo lagu goobayo xal waara.

NSS Nimitz oo qaadi kara 100-kun oo tan ayaa shaqo bilaabay 1968-dii waana mid kamid ah maraakiibta dagaal ee ugu cimriga dheer Mareykanka, waxaana jira 10 nooc kale oo lamid ah markabkaas; the Eisenhower, Vinson, Lincoln, Roosevelt, Washington, Stennis, Truman, Reagan iyo Bush.

Markabkan wuxuu kasoo laabanayaa howlgalo kala duwan oo uu ka fuliyey meelo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Afghanistan halkaas oo Washington ay hoos u dhigtay tirade ciidamadda milatari ee ka joogay.

Biyaha Soomaaliya ayuu ku sugnaa maalmo wuxuuna ka qeyb-qaatay daad-gureynta askarta Ameerikaanka ah ee loo wareejiyay wadamada kala ah; Jabuuti iyo Kenya oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin.

Intii uu ku sugnaa badda Soomaaliya, markabka wuxuu ka qeyb-qaatay duqeymo dhanka cirka ah oo askarta Mareykanka la beegsadeen maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ciidamadda Mareykanka aysan si kama dambeys ah u bixin isla markaana ay soo laaban doonan lix bilood kadib, waxana ay rajeysay in ay sii wadi doonan weerarada dhanka cirka ee ay la beegsadaan xoogaga hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM