Markab kalluumeysi sharci darro ka wadey Soomaaliya oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayaa sheegay inay qabteen Markab kalluumeysi sharci-darro ah ka wadey xeebaha degmada Hobyo, ee gobolka Mudug.

Markabkan ayaa ku shareecanayay calanka Shiinaha ayaa waxaa la sheegay in mudo billooyin ah uu kalluunka ugala baxayay xeebaha, isagoo aan haysan ruqsad kalluumeysi.

Waxaa la socda madmaaxiyaal gaaray 17, oo kasoo jeeda Shiinaha, India iyo Indonesia, kuwaasoo xabsiga la dhigay, waxaana soconaya baaritaanno, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maamulka Galmudug.

C/raxmaan Cali Dhiblaawe, oo ah taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Hobyo ayaa sheegay in markabka uu dhibaateeyay dhowr doon oo kalluumeysato Soomaali ah leeyihiin, kuwaasoo qaarkood uu qalabkooda burburiyay.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ay kusoo qabanayaan maraakiibta shisheeye ee jariifka kawada xeebaha dalka Soomaaliya.

Arinta ayaa kusoo aadaysa xili Wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya lagu eedeeyay inay ku lug leedahay kalluumeysiga sharci-darada, iyadoo si qarsoodi ah ku bixiyaan madaxdeeda ruqsado kalluumeysi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM