Markab laga afduubtay biyaha meel u dhow caasimadda

Image
Maraakiibta lagu afduubanayo meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii December ayaa si weyn u kordhay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Burcad-badeed ayaa Markab ku safrayay calanka Bangladesh waxa ay ka qafaasheen nawaaxiga xeebaha Soomaaliya, waxaana ay horey u kaxeysteen 23 shaqaala saarnaa, sidda ay sheegeen mulkiileyaasha.

Markabkan oo lagu magacaabo The MV Abdullah ayaa kasoo shiraacdey caasimadda Mozambique ee Maputo, waxaana uu ku wajahnaa Imaaraadka Carabta. Xamuul gaaraya 55-kun tan dhuxul ah ayuu waday markii la weerarayay Talaadadii.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Kabir Steel Re-Rolling Mills oo iska leh markabka, burcad-badeedda qafaalatay markabka ayaa tiradooda u dhaxeysaa 15-20 dabley waxayna jinsiyadooda ay ku sheegtey Soomaali.

Shirkadda ka shaqeysa amniga badda ee lagu magacaabo Ambrey ayaa dhankeeda waxa ay xaqiijisay in koox hubeysan ay afduubatay markabkan. Goobta uu afduubka ka dhacay ayaa 1,111KM dhanka bari uga aadan Muqdisho.

Maraakiibta lagu afduubanayo meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya tan iyo bishii December ayaa si weyn u kordhay, waxaana ay tani ay abuurtey walwal iyo cabsi amni oo soo wajahdey maraakiibta adeegsata marin-biyoodkaas.

Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen ayaa ka faa’iideystay fursadaas, iyaga oo sheegay in ay weeraraddan ugu aargudayaan Falastiiniyiinta oo wajahaya duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Ciidamadda maamulka Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM