Markab watay calanka Malta oo laga qafaashay xeebaha Soomaaliya

Image
Shirkadda Britain ee Ambrey ayaa sheegtay in markabka la geeyay meel ka baxsan xeebta Bander Murcaayo ee Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab ganacsi oo ay afduubteen kooxo aan la garaneyn ayaa weli ku sugan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ee badaha.

Tani ayaa sare u qaadeysa cabsida laga qabo xasillooni darro hor leh oo soo wajahda maraakiibta caalamiga ah, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada ka dhacaya Badda Cas, 

Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa Jimcihii loo diray markabka Ruen oo uu ka babanaayay calanka Malta, kaasoo ilo wareedyo ay sheegeen in la afduubtay.

Shirkadda ammaanka badda Britain ee Ambrey ayaa sheegtay in markabka la geeyay meel ka baxsan xeebta Bander Murcaayo ee Puntland, Soomaaliya 17-kii December.

"Tani waxaa lagu qiimeeyay inay noqonayso afduubkii ugu horreeyay ee markab ganacsi oo ay burcadbadeedda Soomaaliyeed geystaan ​​tan iyo markii ARIS 13 sannadkii 2017," ayay tiri shirkadda.

The Ruen ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya Isniintii saacadu markay ahayd 1810 GMT, sida ku cad xogta maraakiibta badaha ee MarineTraffic.

Maareeyaha markabkan laga leeyahay dalka Bulgaria ee Navigation Maritime Bulgare ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi ku saabsanaa in ay caddeeyaan mowqifkooda shilkan.

Weerarada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ayaa isa soo tarayay tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalka Gaza ku dhexmaraya ciidamadda Yahuuda iyo dagaalameyaasha kooxda Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM