Martiqaad uu fidiyey madaxweyne Farmaajo oo lagu gacan-seyray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa baaqdey shir uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumey Xildhibaanda baarlamaanka Federaalka kaga jira Beelaha Hawiye, sida illo xog-ogaal ah u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Dib-u-dhaca ku yimid kulankaas qabsoomi lahaa 27-ka bishaan August ayaa loo sababeynayaa diidmo ka timid mudaneyaasha labada Aqal ee goleyaasha sharci-dejinta kaga jira xisbiyada Mucaaradka.

"Kulankaan waxaa uu ahaa talaabo kamid ah kuwa Farmaajo ololaha siyaasadeed ugu jiro sidii uu dib ugu soo noqon lahaa xukunka," sidaas waxaa GO u sheegey mid ka tirsan Xildhibaanada heley martiqaadka.

Xubnaha loo yeeray ayaa la xusay iney ka codsadeen Farmaajo inuu magacaabo Ra’isal wasaraha cusub ee laga sugayo, xaliyana khilaafka ka jira war-murtiyeedkii la isku khilaafey ee shirkii Dhuusamareeb3.

Sidda ay warbxinadda qaar tibaaxayaan, Farmaajo ayaa damacsanaa in uu Xildhibaanada kala hadlo arrinta magacaabida ra'iisul wasaaraha, halka kuwa kalena sheegayaa in uu codsi hor-dhigi lahaa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka dalban lahaa mudaneyaasha in ay ka ogolaadaan in mudada hartey in uu xafiiska sii joogo ku simaha ra'iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Mr Guuleed ayaa si ku meelgaar ah usii haya xilkaas tan iyo markii 25-ka bishii Julaayo sanadkan 2020 uu Golaha Shacabka kalsoonida kala laabtey wasiirkii koowad ee xukuumada Xasan Cali Khayre.

Hal bilood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegatay markii la eryay Khayre, iyaddoo Farmaajo uu bishii koowaad ku sagootiyey ka dhegafureysashada soo magacaabida ra'iisul wasaaraha iyo jebinta caadadii soo jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM