Maryan Mursal oo Fanka ka fariisatay.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fanaanada caanka ah, Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba isaga baxday fanka.

Maryan Mursal oo ah xidig caan ka ahayd fanka Soomaaliyeed mudadii bur-burkana daganayd magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa umadda ka codsatay in loo soo duceeyo.

Da'deeda oo waynaatay iyo xanuuno lasoo darsay ayaa loo tirinayaa ka fariisiga Fanka ee Maryan Mursal.

Fanaaniinta faro ku tiriska ah ee aan ka qeyb galin marna colaadihii qabiil iyo maamulada isdiidan ee Soomaalida ee 30 kii sano ee u danbeeyay gudaha Somalia ka curanayay ayaanay maryan midna la jaanqaadin iyada oo ku gaabsatay wacyigelinta bulshada.

Hadaba adigu heestee ku xasuusataa akhriste Maryan Mursal?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM