Mas'uul hore oo lagu dilay is-qarxin lagula eegtey Muqdisho

Image
Dadka dhintey ayaa la wariyey in labo kamid ah ahaayeen saraakiil ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay qarax Jimcahii ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo illo dhinaca amniga ah.

Qaraxan oo ahaa is-miidaamin uu geystey naftii-halige ayaa lagu waramay in uu ka dhacay gudaha Xerada Saraakiisha. Dadka dhintey ayaa la wariyey in labo kamid ah ahaayeen saraakiil ciidan.

Marxuumiinta waxaa ku jira Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle), oo ahaa guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda magaalada Marka iyo guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellaha Hoose.

"Markii uu qaraxu dhacayay waxay goobta ahayd mid mashquul badan waxaana hal meel kuwada sugnaa saraakiil kala duwan oo kamid ah xoogga dalka iyo dad shacab ah," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Sarkaalkan oo sababo dhanka ammaanka ah uga gaabsadey magaciisa ayaa waxa uu intaas ku daray illaa haatan aan la aqoonsan naftii-haligaha balse ay u badan tahay in uu ahaa qof aaggaas aan horey u imaan.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa si rasmi ah waxa ay uga gaabsadeen in ay fahfaahin ka bixiyaan dhacdadan. Sidoo kale, ma jirto koox wali si rasmi ah u sheegatay falkan oo lagu tuhmayo Al-Shabaab.

Qaraxyadda is-miidaamintan ah ayaa aad ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya dhowrkii sano lasoo dhaafay waxaana ay badalayaa qarayadda loo adeegsado baabuurta iyo miinooyinka kuwaas oo kamid ah xeeladaha kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM