Mas'uul lagu dilay qarax ka dhacay caasimadda HirShabelle

Image
Falkan ayaa imaanaya xilli dhowaan uu madaxwayne Xasan Sheekh booqdey magaalada Jowhar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo Sabtidii ka dhacay suuqa xoolaha ee caasimada HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada maamulka kuwaas oo xaaladooda lagula tacaalayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli mashquul badan laga dareemayay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar, halkaasoo Sabtidii la soo dhaafay xoolo badan laga keenayay.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay balse waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxa. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu dhacay maalmo un kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay Magaalada Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u suurta geli waayay inuu gudaha u galo magaalada, sababo la xiriira dhanka ammaanka, waxaana taasi bedelkeeda uu garoonka kula kulmay madaxda dowlad goboleedyada HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM