Mas'uul lagu dilay qarax miino oo ka dhacay duleedka Jowhar

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyada falkan.

JOWHAR, HirShabelle - Laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax Axada maanta ah ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Mahad Muxiidiin Calasow oo ahaa Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha caasimada HirShabelle iyo askari ka tirsan cidamada amniga.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xaqiijiyey geerida marxuumiinta una tacsiyeeyay qoysaskooda.

"Labada qof kale ee dhaawaca ah waxaan u rajeynayaa soo kabasho degdeg ah," ayuu sii raaciyey. "Waxaa la dhigay isbitaal halkaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad".

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay isla markaana uu ka dhacay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

"Baaritaano ayaa la bilaabay si loo ogaado cida wadada gelisay miinadda. Balse, waa ogtahay natiijada baaritaanada noocaan ah shacabka looma soo gudbiyo," ayuu yiri wariye madax-banaan oo Jowhar ku sugan.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyada falkan oo kusoo hagaagay xilli gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo looga soo horjeedo kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM