Mas’uuliin ka tirsan DF iyo Galmudug oo gaaray Ceel Garas

Image

CEEL-GARAS, Soomaaliya - Wafdi heer sare ah ayaa maanta gaaray magaalada Ceel-Garas oo ay dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay ku ammaaneen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka sida ay cadawga uga xoreeyeen deegaanno dhowr ah oo dhaca bariga Galgaduud.

Ciidamada dowladda ayaa maanta u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Ceel Garas oo muddo 15 sano ah ku jirtay gacanta AS, kadib weerar qaatay muddo kooban.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM