Mas’uuliin ka tirsan JFS iyo Galmudug oo gaaray magaalada Camaara

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Camaara ee gobolka mudug, halkaas oo ay dhawaan dowladda kala Wareegay kooxda ‘AS’.

Masuuliyiinta ayaa waxaa Camaara kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, kuwa Deegaanka, iyo qeybo ka mid ah bulshada deegaanka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta Cabdulaahi Aden xuseen Ciro ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay Guulihii Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanku kasoo hooyeen dagaalada ay AS kula galeen Bacadweyne, Qeycad iyo Camaara, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Soomaaliya ayaa dhawaan xoojiyay howlagalada ay ka fulinayaan Gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay deegano hor leh. Dadka ka faalooda arrimaha amniga ayaa aaminsan in wax ka bedelka lagu sameeyay Istraatijiyadda ciidanka uu saameyn ku yeeshay sida uu u socda dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM