Mas’uuliyiin lagu eedeeyay musuqmaasuq oo maxkamad loo gudbiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa eedeymo loo jeediyay lix qof.

Mas’uuliyiintan ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin lunsashada hantida qaranka, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku tagri-falidda xilalka ay hayaan, iyo qaadashada lacago sharci darro ah.

Shaqsiyaadkan la hadal hayo ayaa ka tirsanaa Xafiiska Canshuuraha Barriga, oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in baaritaanada lagu hayo kiisas kale oo la xiriira musuq maasuq iyo ku takri-fal hanti dadweyne ay hadda socdaan.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Marka Baaritaanadan la soo gabagabeeyo, maxkamadda ay khusayso ayaa la horgeyn doonaa natiijada si tallaabo dheeraad ah loo qaado.”

Halkan ka bogo nuqul ka mid ah waraaqda ay soo saareen Xafiiska Hantidhowrka Qaranka:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM