Masar iyo Eritrea oo si adag u difaacay madax-banaanida Soomaaliya

Image
Abdel Fattah El-Sisi iyo Isaias Afwerki ayaa kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Qaahira.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Eritrea oo wada hadalo ku yeeshay magaaladda Qaahira, ayaa isku raacay sida ay muhiimka u tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Abdel Fattah El-Sisi iyo Isaias Afwerki ayaa sidoo kale isla qiray in ay kasoo horjeedaan talaabo kasta oo lagu kala dhantaalayo madax banaanida, looguna xadgudbayo xaduudaha caalamiga ah.

Go'aankan wadajirka ah oo ay qaateen labadan hogaamiye ayaa waxa ay muujinaysaa in ay si adag uga soo horjeedaan ficilada bahalnimo ee Itoobiyaanka.

Arrimaha Badda Cas iyo xaalka Suudaan ayay sheegeen in ay muhiim tahay in lasii wado dadaalada la xariira sidii xal waara looga heli lahaa, xaalka Suudaan si gaar ayay sheegeen in ay usii wadayaan qorshaha wadajirka ah ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM