Masar oo yabooh siisey Farmaajo iyo Uhuru kadib is-afgaradkii Nairobi

Image

QAAHIRA, Masar – Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Siisi, ayaa wuxuu bogaadiyey heshiiskii ay todobaadkii hore magaaladda Nairobi ku kala saxiixdeen hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa isla meeldhigay in ay soo celiyaan cilaaqaadka wanaagsan ee labadda wadan.

Labadda madaxweyne ayaa sidoo kale isla gartay in dacwada badda ee ka dhaxeysa aysan saameyn xiriirka dalalka.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa sidoo kale ku heshiiyey qaaditaanka xayiraadda dhanka socdaalka hawada ee Muqdisho iyo Nairobi.

Kenyatta ayaa xusay in arrintaan ay muddo todobaad ah ku dhaqan-geli doonto. Guddi isku dhaf ayaana ka shaqeyn doona.

Al Siisi oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa labada dhinac u balanqaadey in uu kala shaqeyn doono fulinta qodobadaan.

"Heshiiskan waxa uu talaabo muhiim ah u yahay xoojinta iskaashiga labada geesoodka iyo gaaritaanka horumarka iyo xasiloonida gobolka," ayuu raaciyey.

Wuxuu ku daray: "Waxaan xaqiijinayaan in Masar diyaar u tahay in horey loosii wado lana adkeeyo talaaboyinka iyadda oo la xoojinayo nabadda u dhaxeysa labadda wadan ee walaalaha ah.

Cabdel Fataax Al Siisi ayaa wuxuu waqti xaadirkaan yahay gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay xubin ka yihiin.

Al Siisi ayaa ka shaqeeyay kulan dabayaaqadii sanadkan magaaladda New York ee waddanka Mareykanka ku dhexday Farmaajo iyo Uhuru, ayna isla meel-dhigeen sidii loo wanaajin lahaa cilaaqaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM