Masar oo bilowday olole qaaraan loogu uruurinayo Soomaaliya

Image
Lacagta ka dhiman mucaawinadan ayaa waxa ay gaareysaa gaareysa $25.9 milyan.

QAAHIRA, Masar - Hawlgalka Masar ee Midowga Afrika (AU) ayaa bilaabay olole lagu bixinayo lacago ka dhiman taakulo maaliyadeed oo loo fidinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo ay soo wajahday dhaqaale xumo.

Lacagta ka dhiman mucaawinadan ayaa waxa ay gaareysaa gaareysa $25.9 milyan. Qaaraan-uruurinta ay Masar ka dhex-bilowday Ururka Midowga Afrika ayaa ka bilaabay Guddiga Miisaaniyadda Midowga Afrika.

Sidoo kale, waxaa ololahan uu gaarey illaa heer hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah, Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika, iyo waaxyaha kale.

Ergeyga Joogtada ah ee Masar u fadhiya Midowga Afrika, Maxamed Gad, ayaa horboodaya ololahan oo ay u xilsaartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Qaahira.

Gaad waxa uu sheegay in awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka dhex jira qaaradda Afrika ay muujinayso sida ay uga go’an tahay caawinta dalalka xubnaha ka ah.

"Sidoo kale, waxa ay iftiiminaysaa mas’uuliyadda ka saaran arrimaha nabadda iyo amniga ee Qaaradda," ayuu raaciyay, isaga oo si adag u beeniyay sheegashada ka soo horjeeda.

Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada dadaallada lagu doonayo in lagu helo tabarucaad ay Qaramada Midoobay qiimeysay si loo maalgeliyo hawlgallada taageerada nabadda Midowga Afrika.

"Masar waxay muhiimad gaar ah siinaysaa xasiloonida Soomaaliya, waxayna taageertaa dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda hay’adaha dowladda ee shacabka Soomaaliyeed," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM