Mashruuc haysta maalgelin caalami ah oo laga dhagax dhigay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho uu soo arkay casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.

Mr Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban, wallow aan la muddeyn waqtiga rasmiga ah.

Dhanka kale, wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Xarunta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay ayaan lagu shaqeyn muddo dheer, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyey masuuliinta iyo shaqaalaha Wasaaradda dib u dhiska xarun muhiim u ah dowladnimada.

Eng. Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka, maadaama la howlgaliyey xarunta wasaaradda beerahana ay soo laaban doonto doorkeeda kaga aaddan horumarinta beeraleyda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay maalinta beeraleyda Soomaaliyeed, guud ahaan beeraleyda dalka, isaga oo ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan horumarinta wax soo saarka beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM