Masiirka wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga deyriyay

Image
Is-afgaradkii Biixi iyo Abiy ku gaareen Addis Ababa ayaa si weyn u wiiqay dadaaladan dib-u-heshiisiineed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa walaac ka muujiyey saamaynta uu ku yeelan karo is-afgaradkii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa waxa uu ka digay in is-fahamkan uu carqaladeeyo wada-hadallada u socda Muqdisho iyo Hargeysa.

Guuleed oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay April 2023 inuu noqdo ergayga gaarka ah, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in dib loo wadahadlo.

Rajadan waxaa si gaar ah kor ugu qaadey natiijooyin wax ku ool ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti ka dhacay dabayaaqadii Diseembar. Si kastaba ha ahaatee ergaygu waxa uu wax lala yaabo heshiiska aan la filayn ee Itoobiya la gashay Somaliland.

"Dawladda Itoobiya oo ku guuldaraysatay inay fududayso is-faham dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland waxay u muuqataa inay salka ku hayso heshiiskan, waana wax laga xumaado," ayuu tibaaxay.

Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay ixtiraamka qoto dheer ee ay Soomaaliya u hayso Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay sii wadida wada hadalada.

Ergeyga oo horey usoo noqdey Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliyeed.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu doonayo in lagu xalliyo arrimaha ka dhashay gooni-isutaagga Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii, ayaa muhiim u ah diblumaasiyadda gobolka.

Heshiiska lama filaanka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsanaa kireynta saldhigga cidan badda iyo aqoonsi ayaa abuuray xasarad ba'an oo ka dhan ah cilaaqaadka Muqdisho iyo Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM