Mas'uul Farmaajo shaqada ka eryay oo xil sare loo magacaabay [Wareegto]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xil sare u magacaabay C/qaadir Nuur Jaamac oo dhawaan shaqadda ka eryay Madaxwayne Farmaajo.

Jaamac ayaa waxaa loo magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, sida laga soo xigtay wareegto kasoo baxday Mursal, taasoo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho.

Sidda ku cad digreetadda, Xoghayaha guud ee Gollaha Shacabka ayaa waxaa la faray inuu sida ugu haboon ku dhaqan-geliyo go'aanka magacaabista ee uu gaarey Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

C/qaadir Nuur Jaamac, ayaa waxaa Khamiistii lasoo dhaafay xilka qaadis ku sameeyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isaga oo ahaa Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Cabdulqaadir Nuur Jaamac, oo horey usoo noqday Ku xigeenka Taliyaha NISA

Xilka laga qaaday Jaamac waxaa loo dhiibay Fahad Yaasiin, oo Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana saameyn ku leh saaxadda iyo go'aanada Villa Soomaaliya, waxaana xilkiisa loo dhiibay ku xigeenkiisii hore Dr Aamina.

Waxa uu noqonayaa Jaamac mas'uulkii ugu horeeyay ee dowladda ka tirsan, kaasoo isaga oo xil ka qaadis lagu sameeyay hadana maalmo kadib loo dhiibay xil kale, maadaama xubnihii horey xilka qaadista loogu sameeyay aysan dib usoo laaban jirin.

Jaamac iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaaka ayaa la sheegay inay yihiin saaxiibo aad isugu dhow, iyagoo iskala soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, waxaana magacaabistiisa la fahansan inay tahay mid mudo laga soo shaqeeyay.

Xil magacaabista dowaldda Federaalka ee uu hogaaminayo Farmaajo ayaa waxaa wax la iska waydiinayaa qaabka xilalka loogu magacabo saraakiisha dowlada iyadoo maalintii shaley xillal loo dhiibey shaqsiyaad aan khibrad u laheyn arimaha amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM