Mas'uul iyo wiilkiisa oo lagu dilay qarax loogu duugay hoygooda

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu khaarijiyey Jowhar, caasimadda maamul goboleedka HirShabelle, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Maxamed Cabdi Sugaal ayaa ku dhintay qarax ka dhacay hoygiisa ku yaala magaaladaas uu maro webiga Shabelle. Wiilkiisa ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu ku naf-waayey falkan.

Mas'uuliyiin sar-sarre oo hay'addaha ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lagu dhex-duugay guriga Sugaal oo ku yaala xaafadda Hantiwadaag gaar ahaan Aaga Barre Yarre.

Wariyaha GO ayaa kusoo waramaya in Sugaal uusan lahayn wax ilaalo qaas ah, hoygiisana uu ku yaalo meel ku dhow kontaroolka waqooyi ee laga soo galo ee magaaladaas uu maro webiga Shabelle.

Taliska Booliska oo ka fal-celiyey dhacdadan ayaa ku adkeystay in ay baarayaan. Eheladda marxuumiinta ayay tacsi u direen, iyaga oo u rajeeyay in ay helaan naxariista.

Dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa waxaa looga bartay weerarada noocaan ah oo ay ku beegsato saraakiisha muhiimka ah ee dowladda iyo maamuladda.

HirShabelle, waa dowlad goboleedka ugu da'da yar kuwa xubinta ka ah federaalka, waxaana mas'uuliyiintiisa oo amnigooda uu dayacan yahay si joogta ah u beegsata kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Bishii hore ayay ahayd markii wasiir hore oo HirShabelle ah, mas'uul heer gobol ah, shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini'aadantinimada iyo askar lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo falkaas kadib walaac iyo qalyo dhaan soo saarey ayaa dowladda waydiistay talaabo, wuxuuna xusay in Shabaabkii Koonfur-Galbeed u soo wareegeen maamulkiisa.

Dilkan ayaa noqonaya wax cur-dun ku ah Soomaaliya, inta la og-yahay, maadaama hore loo arkay mas'uuliyiin dilal qorsheysan ama kolanyo ay la socdeen lagu beegsaday. Horayse uma dhicin in gurigooda loogu aaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM