Mas'uul ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo la dilay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Gudoomiyihii degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaarey rasaas ay xalay ku fureen dabley aan wali la aqoonsan heybtooda.

Marxuumka, oo qorshuhu yahay in maanta oo Khamiis ah la aaso, ayaa lagu waramay dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta lagu beegsaday.

Xasan Mayow Isaaq ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad goboleedkaas.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamada ay bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo gacan ku dhiigleyaasha, wallow aysan jirin koox sheegatay falkaas.

Al-Shabaab, xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, ayaa joogitaan "aan la dhayelsan karin" ku leh tuuladaas duleedka kaga taala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka uu majaraha u hayo madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta marxumka.

Degaanka Goof-gaduud Buurey ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa gacan ku heynteeda isku bedelay ciidamadda maamulka iyo Al-Shabaab, taasoo shacabka ku qasabtay in ay ka barakacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM