Mas'uul katirsan Xukuumadda Khayre oo Musuq-maasuq loo xiray

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur, ayaa Agaaasime ka ah Waaxda Dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Sababta ka dambeysa xarigiisa si dhab ah looma oga, laakiin warbaahinta dowladda ayaa tabineysa in loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq, gaara ahaan lacago loogu talagalay dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho.

Kadib xiriiro uu warisdaha Garowe Online la sameeyay hoggaanka dambi baarista ee CID-da ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday inuu Xabsiga ku jiro Agaasime Maxamed Nuur, islamarkaana ay hadda baaris ku socoto.

Faafaahinada laga helayo kiiskaan ayaa intaas ku daraya in lagu tuhmayo Maxamed Nuur inuu lunsaday lacag dhan $84,000 (Sideetan iyo Afar kun oo Doollar), oo loogu talagay in lagu caawiyo dadka Barakacyaasha ah.

Talaabadaan wali kama hadlin xukuumada Soomaaliya, laakiin waxay kusoo beegmaysaa iyadoo tiro dhowr jeer ah ay ugu cel-celiyay Ra'iisul Wasaare Khayre inuu wax ka qabanayo musuqa la sheegay inuu aafeeyay dalka.

Sikastaba, Tani ayaa waxay tooshka kusii ifineysaa wax is-dabamarin baahsan inay ku kacayaan qaar kamid ah mas'uuliyiinta Hay’adda laanta fulinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo saartey Hay'adda Transparency International ayaa Soomaaliya ka gashay kaalimaha ugu horeeyay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM