Mas'uul ku dhaawacmay weerarkii xarunta degmada Warta Nabada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha degmada Warta Nabadda ayaa kamida dadka ku dhaawacmay qaraxii lagu weeraray xarunta degmadaasi, maanta oo Talaado ah.

Sidda ay xaqiijyeen Booliska, afar qof ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado kamida caasimada Soomaaliya.

Mas'uulka, Cali Aadan Warsame, ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya in qarax oo Is-miidaamin ahaa uu geystay burbur xoog leh.

Xoogaga Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda dhacdadaasi.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee bisha Ramadaan ka dhaca magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Inta badan marka la guda galo Soonka maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa kordhisa falalka liddiga ku ah amaanka ee ay Muqdisho ka fuliso.

Dowladda oo sheegtay in bishaan ay u diyaar-garowday ayaa ciidamo badan soo dhoobtay isgoysyada balse ma aysan baajin qaraxyada oo wali sii socda, inkasta oo ay si teel-teel ah u dhacayaan.

Sidda laga soo xigtay xeel-dheerayaasha amaanka, Al-Shabaab ayaa dardargelisay howlgaladeeda magaalooyinka markii Mareykanka uu sare u qaaday duqeymaha uu kooxda kula beegsaday gobolada dalka.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii saddex kamid dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu khaarijiyey duqeyn lagula beegsaday gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan meel ku dhow magaalada Tooratoorow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM