Mas'uul lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsaa Villa Soomaaliya ayaa lagu dilay xalay Muqdisho, waxaana dilkiisa uu noqonayaa dilal joogto ah oo ka dhacaya magaalada tan iyo markii ay dhalatay bisha Raamdan.

Mas'uulkaan oo Villa Soomaaliya ka ahaa gacan-yare dhanka Saadka Aqalka Madaxtooyada, ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasoo dilka kadib isaga bax-sadeen goobta uu dilku ka dhacay.

Shaqsiga la dilay oo ay Shabaab magaciisa ku sheegeen Aweys Cumar Cabdi, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ma jirto, wax war ah oo ku aadan weerarkaan oo kasoo baxay Xafiiska Khayre ama laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Dilkaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo mudooyinkii udambeeyay ay caasimada ka dhacayeen falal ka baxsan amaanka, kuwaasoo ay sameynayeen kooxaha kasoo horjeedo dowlada ee AlShabaab iyo Daacish.

Amaanka Muqdisho ayaa inkastoo la adkeeyay mudooyinkii dambe, hadana waxaa tus-bax afka furtay ka noqday tan iyo markii la galay bisha Barakeysan ee Ramadan dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM